Dhageyso:-Khasaaraha ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay degmada Shibis

Aroornimadii hore ee Saakay ayaa waxaa Shil geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay isgoyska Nasii-buundo oo ka tirsan degmada Shibis ee Gobolkaan Banaadir.

Gaarigaan oo ahaa nooca Xamuulka qaada ee loo yaqaano Ud-ga,ayaa la sheegay in laga waayay Bareeg taas oo sababtay in uu rogmado.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasada degmada Shibis Maxamed Xasan Maxamuud oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in shilkaas ay ku dhintay hal Ruux halka 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in Gaarigaas ay laheyd Shirkadda Docor oo uu leeyahay Ganacsadaha Abuukar Cumar Cadaan,isla markaana uu waday qaar ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan-Cadde.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhamestiran

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media