Dhageyso:-Khasaaraha ka dhashay qarax Gaari oo ka dhacay D/Xamarweyne+Sawiro

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa qarax Gaari loo adeegsaday waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn busteejada Gawaarida laga raaco eek u taalla Degmad Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Gaari nooca raaxada ah oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay agaarka Bacadlaha Xamarwyene dhanka Wadada ka timaada Beerta Nabada kas oo horjeedka Kaalin shidaal oo halkaasi ku taalla.

Qaraxa ayaa inta badan khasaaro u geestay Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo Goobta taagnaa kas oo int badan dadkii saarnaa kuwo ay dhinteen kuwana dhaawacmeen, waxana khasaaraha Maamulka Gobolka Banaadir ay ku sheegeen dhimashada 7 Ruux halka dhaawacuna ay ku sheegeen 6 Ruux.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo ka kamid ahaa Masuuliyiintii gaartay Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa shegay in qaraxaas lala beegsaday Gaari ay saarnayeen dad Shacab ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas aya la geeyay Goobaha caafimaad eek u yaalla Gudaha Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Mark laga soot ago hadalka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hadan waxaa Wararku sheegayaan in Gaariga qarxay uu eryanayay Gaari kale oo Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidamada dowladda balse inta asyan qaban uu qarxay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka kana Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media