Dhageyso:-Khabiir dhinaca Biyaha oo kahadlay waxa keena fatahaada uu sameeyo Wabbiga Shabeelle

Guuleed Maxamuud Axmed oo kunoool wadanka Mareykanka kuna takasusay waraabka ayaa idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho usheegay sida ugu haboon ee wax looga qaban karo laguna dhiiri galin karo beeraleeyda Soomaliyeed markii ay aafeeyaan daadadka ka dhasha  biyha Wabbiga oo baabi iya dalagyadooda

Khabiirkan ayaa sheegay inay burbureen kanaalo badan oo biyo xireen ahaa kuwaas oo ku yaalay Gobolka Shabeellaha dhexe wuxuuna sheegay in  mida wax loogu qaban karo kaliya ay tahay in beeraleyda iyagoo isku duuban ay dawlada iyo maamulka Hirshabeelle kadalbadaan in lahirgaliyo mashruuc biyo xireen ah si looga gaashaanto aafooyinka ka dhasha daadadka markii uu Wabbiga biyo keeno

Beeraleyda ku hoos nool Wabbiga ayaa sanadihiii udambeeyay ladaala dhacayay biyo yari ama gabi ahaanba Wabbiga oo guro iyo fataahaado kadhasha markii uu Wabbiga biyo keno

Halkaan ka dhageyso Wareysiga  Guuleed Maxamuud Axmed

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media