Dhageyso:-Kenya oo shaacisay sababtii loo joojiyey Xafladii soo dhaweynta ee Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur

Dowladda Kenya ayaa Saacado kadib waxa ay ka hadashay sababtii loo joojiyey Xaflad soo dhaweyd aheyd oo Maanta loo qaban lahaa Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir.

Xaflada ayaa qorshuhuu ahaa in ay 1: Duhurnimo ee maanta ay ka dhacdo Fagaaraha Sir Cali Muslim Club oo ku yaalla Magalada Nairobi ee dalka Kenya balse la joojiyey.

Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Kenya ay tahay dowlad aqoonsan dowladda Soomaaliya,isla markaana aysan marnaba ogolaan doonin in Kenya uu noqdo Wadan looga duulo dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha amniga Kenya ay masuul ka ahaayeen in la joojiyo Xafladaas kadib amar ka soo baxay Madaxda Sare ee dowladda Kenya.

Waxa uu sheegay in hadii la doonayay in xisbi la soo bandhigo in ay dalkooda la aadaan laakin Kenya aysan ogoleyn in Xisbi ka madax banaan kuwa Kenya ka jira in ay shirar siyaasadeed ku qabtaan dalka Kenya sharciga Wadanka kenyana uusan ogoleyn.

Waxaa wax laga weeydiiyey in tallaabadaas ay dowladda soomaaliya ay ka dalbatay ayuu sheegay in marnaba aysan kala hadlin dowladda Soomaaliya balse Sharciga Kenya uusan ogoleyn.

Dhanka Kale Abdirahmaan Abdishakur ayaa isna Facebook Giisa Qoraal uu Ku Soo Qoray ku eedeyay Fashilka Kulankaan Madaxweynaha Dowlada somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media