Dhageyso:-Kenya oo dib u bilaawday dhismaha darbigii ay ka dhisaysay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya iyo Xiisad ka dhalatay

Dowladd Kenya ayaa markale dib u bilaawday dhismaha derbiga ay ka dhiseyso xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya taas oo xiisad Cusub abuurtay.

Nabadoon Idiris oo ka mid ah waxgaradka degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay bilaawday dhismaha,iyada oo aan ku wargelin Maamulka degmada taasina dadku ay walaac ka muujiyeen.

Waxa uu sheegay in horay xiligii uu dhismaha bilaawday madaxda dowladda iyo Maamulka Jubbaland ay soo dhexgaleen hadana looga baahan yahay in ay la socdaan halka ay dhiseyso.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in Kenya looga baahan yahay in ay ku ekaato dhulkeeda isla markaana aysan dhisan dhulka Soomaaliya.

Sikastaba Kenya ayaa Goor sii horeysay bilaawday dhismaha darbiga oo ay sheegtay in uu ka difaacayo in Shabaab oo weeraro ka geysta deegaano ka mid ah Kenya ay soo galaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Nadon Idiris.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media