Dhageyso:-Kenya oo Ciidamo farabadan geeysay Xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii

Dowladda Kenya ayaa Ciidamadii ugu badnaa abid waxa ay geeysay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee dala Kenya,xili Maalmo qura ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynenimada dalkaasi Kenya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ah Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamakunji ayaa u sheegay Soomaalida ku nool Xaafada Islii in Ciidamadaan aysan wax dhibaato ah u geeysan doonin basle kaliya ay xaqiijin doonaan amniga inta lagu guda jiro doorashada dalka Kenya.

Waxa uu u balan qaaday in aysan geli doonin guryahooda kuna cariirin doonin Wadooyinka taas bedelkeedana laga doonayo Soomaalidu in ay ku farxaan.

8, Bishaan Agoosto ayaa la filayaa in dalka Kenya ay ka bilaabato doorashada waxaana ilaa iyo hada u taagan qabashada xilka Madaxtinimada dalkaas Hoggaamiyaha hada talada haya ee Uhuru kenyata iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga,dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya ayaana ka qeyb qaadan doona doorashada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Yuusuf Xasan