Dhageyso:-Jubbaland oo sheegtay in Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday duleedka Garbahaarey

Diyaarado dagaal ayaa lasoo sheegayaa in duqeymo ay ka geysteen saldhig ay leeyihiin Al Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Deegaanka Kulmis oo dhaca duleedka Degmada Garbahaarey ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday duqeynta, waxaana deegaanka saldhig ciidan ku leh Xarakadda Al Shabaab.

Wasiiru dowlaha amniga Maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa sheegay in khasaare ay ka soo gaareen Al-Shabaab duqeymaha ka dhacay deegaanka. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in gawaari ay leeyihiin Al Shabaab ay bur-bureen.

17-kii bishan July, diyaarado dagaal oo loo malaynayo inay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeeyay degaannada kala ah Kabis iyo Sunuje oo jihada waqooyi kaga beegan magaalada Garbahaarey ee xarunta Gedo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiiru dowlaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media