Dhageyso:-Jubbaland oo Gobolka Gedo uga dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

kulan looga hadlayay adkeynta Amniga deegaanada Gobolka Gedo ayaa lagu qabtay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa  Gobolka iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee  ku sugan Gobolka Gedo waxaana kulanka lagu lafo guray iskaashiga Amniga  Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka Gedo.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumud Aadan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay inay wada shaqeeyaan shacabka iyo Ciidamada Xooga Dalka si loo xaqiijiyo Amniga Gobolka iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Gedo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Gedo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media