Dhageyso:-Jubbaland oo faah faahisay shir looga hadlayo dagaalka Al-Shabaab oo ka dhacaya Kismaayo

Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay shir looga hadli doono dagaalka Al-Shabaab iyo sidii deegaanada ay dalka ka maamulaan looga saari lahaa kas oo ka furmi doona Magaalada Kismaayo.

Shirkaas ayaa dhawaan waxa uu ka furmi doonaa Magaalada Kismaayo waxaaan ka qeybgeli doona Wakiilo kala matalaya Dowladda iyo Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa sheegay in shirkaas looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin xaaladaha amni ee dalka,wadashaqeynta ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom taas oo ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee dhawaan lagu qabtay Muqdisho.

Sidoo kale Madaxda shirkaas ka qeyb galeysa ayaa waxa ay diirada saari doonaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee dalka iyo sidii deegaanada Gobolada dalka ay Shabaab ka joogaan looga saari lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Maamulka Jubbland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media