Dhageyso:-Jubbaland oo Amaro ku soo rogtay Diyaaradaha ka Shaqeeya Garoonka M/Kismaayo

Amaradaan oo ku socda Shirkadaha Duulimaadka ee ka Howlgala Magaalada Kismaayo ayaa Waxaa Maanta soo saaray Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dowlad Goboleedka Jubbaland.

Cabdulahi Aadan Maxamuud ( Jaga Doon) oo Warbaahinta kula hadlay Kisamayo ayaa sheegay in amarada lagu soo rogay Shirkadaha Diyaaradaha ka howlgalla Magaalada Kismaayo ay kala yihiin.

1:-In dadka rakaabka ah aan Gudaha Garoonka lagu heyn Karin mudo ka badan Saddex Saac,iyaga oo sugaya Diyaarad.

2:-In qof rakaab ah oo la soo baaray una soo diyaar garoobay bixitaan aan la reebi Karin xiliga ay timaado diyaarada ama aan lagu bedeli Karin qof kale.

3:-Sidoo kale shirkaduhu in aysan sameysan Karin Xafiisyo iyaga oo aan is diiwangelin oo aan ogolsansho helin kadibna dad rakaab ah qoraya.

4:-In la hubin doono diyaaraduhu in ay yihiin kuwo wanagsan si loo badbaadiyo Shacabka daryeelkooda gedi socodka safarkooda.

Hoos Ka Dhageyso Amarka ka soo baxay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Cabdulahi Aadan Maxamuud ( Jaga Doon).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media