Dhageyso:-Janaraal Galaal oo faah faahiyay heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug

Janaraal Maxamed Nuur Galaal,oo ka mid ah Saraakiishii hore ee Ciidmada Xoogga dalka Soomaaliya hadana hoggaaminaya Xubno iskood isu xilqaamay oo ka Shaqeynaya wadahadalada u dhaxeeya Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa sheegay in wadahadaladaas ay meel fiican marayaan.

Janaraalka oo wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa si guud u faah faahinaya qodobada la isku afgartay ilaa iyo hadda.

Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah in Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna ay qaadan doonaan gudoomiye Baarlamanka Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka,Xubnaha labada Aqalna si siman loo qeybsan doono.

Waxaa kaloo ka mid ah in Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada ay ku Shaqeeyaan Magaalada Dhuusa-Mareeb, Xildhibaanadana Cadaado halka Garsoorka uu ku shaqeyn doono Degmada Cabud Waaq ee Gobolka Galgaduud.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Janaraal Galaal.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media