Dhageyso:-Itoobiya oo Xabsiga ka sii deysay Bashiir Makhtal oo loo heystay in uu ka tirsanaa ONLF

Warar nasoo gaaraya  ayaa waxa ay sheegayaan in xabsi ku yaalla dalka Itoobiya laga sii daayay Bashiir Makhtal oo ah muwaadin Somali Canadian ah,isla markaana loo heystay in uu ka tirsanaa Ururka ONLF.

Ururka ONLF ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay xabsiga kasii daysay Bashiir Axmed Makhtal oo dalkaasi ku xirnaa tan iyo sannadkii 2006 loona haystay eedo ah inuu ka tirsan yahay ururka ONLF.

Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge, ayaa VOA u sheegay in Bashiir lasii daayay isla markaana lagu wareejiyay safaaradda Canada ay ku leedahay dalka Itoobiya si dib loogu celiyo dalkiisa Canada.

Bashiir Makhtal ayaa maxkamadda Itoobiya waxay ku xukuntay xabsi daa’imiyadoo kuna eedaysay falal argagixiso ah.

Bashiir waxa uu beeniyey eedaha loo soo jeediyey ee ahaa inuu ka tirsanyahay ururo argagixiso.

Bashiir ayaa lagu xiray dalka Kenya sanadkii 2007-dii waxana lagu wareejiyay dowladda Itoobiya,isagoo 12 sano ku jiray xabsi kuyaala dalka Itoobiya.

Bulshada Somalida ee ku nool dalka Canada ayaa si weyn u soo dhoweeyay sii deynta Bashiir Makhtal oo ah muwaadin Somali Canadian ah oo ay sheegeen inuu muddo dheer si sharci darro ah ugu xirnaa dalka Itoobiya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media