Wararka aan ka helyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay shegayaan in Maanta halkaasi ay ku wada dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo ku sugan Magaalada Kismaayo.
Ciidamadaan ayaa u aabulnaa Qaab Beeleed,kuwaas oo Kismaayo ay ku dhex martay israsaaseen mudo saacad ku dhow socotay.
Xasan Maxamed Cabdi oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadu ay yihiin kuwa ka wada tirsan Ciidamada Jubbaland balse ay u kala baxeen Hab beeleed.
Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada kismaayo ay iminka wadaan waan waan ku aadan sidii xiisadaas xal looga gaari lahaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka