Dhageyso:-Isqabqabsi dhanka xaduudaha ah oo ka taagan deegaanka Garasbaaleey

Gudomiye ku xigeenka dahnka arimaha Bulsahda ee deegaanka Garasbaaleey ee duleedka muqdisho ayaa ka hadlay isqabqabsi dahnka xaduudaha ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Maamulka degmada deeyniile ee gobolkaan Banaadir.

Cabdullaahi Cabdi Maxamuud Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Garasbaaleey dahnka arimaha Bulshada ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay dhibaato kaga imaaneysay dahnka maamulka degamda deeyniiile oo sheegayay in deegaanka Garasbaaleey uu ka mid yahay Xaafadaha degamda deyniile.

Waxa uu sheegay in iyagu ay yihiin deegaan aan ka mid aheyn deeyniile islamrkaana ay rajeynayaan in degmo loo aqoonsado sidaa daraaded ay yihiin Bulsahda ku nool degamda diiyniile dad walaalo ah lagana doonayo in ay si nabad u noolaadaan.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay madaxda ugu sareysa dalka sida Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha  in ay soo farageliyaan dulmi uu sheegay in ay ku hayaan maamulka degmada deeyniile.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media