Dhageyso:-Isbaarooyin horleh oo la soo dhigay Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar

Inta Badan wadada xiriirisa Balcad iyo Magalada Muqdisho waxaa laga dareemayay waayihii dambe Biyaha Roobka guga oo qaarkood Wadada jaray,isla markaana ay isku socodka Gaadiidka  ay ku adkaatay in ay isticmaalaan.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in isbaarooyin hor leh la soo dhigay Wadada xiriirisa Jowhar iyo deegaanka Qalimoow ee degmada Balcad sida ay sheegeen darawalada gaadiidka qaarkood.

Qaar ka mid ah Dadka ku safra Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxay ay sheegeen in fariisinka Ciidanka AMISOM ay dhawaan ka sameysteen aaga Haansheekh ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay lacag uga qaadayaan gaadiidka,kadib markii Isbaaro cusub halkaasi la soo dhigay.

Waxa ay sheegeen in lacag gaareysa ilaa 200 (laba Boqol) oo shilinka Soomaaliga ah looga qaado Gaadiidka,isla markaana isbaarooyinka qaar ay u yaallaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Warbixinta Warkaan waxaa Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media