Dhageyso:- Isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay Shabeellaha Dhexe

Walaac xooggan ayaa ka soo baxaya Madaxda Sare ee Guddiga Iskaashatooyinka ee ka Shaqeeya qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Gobolkaan Banaadir.

Cali Maxamuud Maxamed gudoomiyaha Guddiga Iskaashatooyinka Dhagaxa,oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in Isbarooyin hor leh la soo dhigay inta u dhaxeysa Ceel-Macaan iyo Kawaan Bri.

Waxa uu sheegay in mararka qaar ay la kulmaan Kooxo hubeysan oo qaarkood ku labisan dareeska ciidamada dowladda kuwaas oo lacago xad dhaaf ah ka qaada.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha