Dhageyso:-Howlgallo gaar ah oo ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo waxa ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgalka ka wada Nawaaxiga Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha Hoose halkas oo ay ku sugan yihiin  Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in dhawaan Degmada Sablaale ee Gobolka shabellaha Hoose laga Xureynayo Nabadiidka Al-shabaab

Laba Xidigle Ibraahim Aadan Cali Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baraawe ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Tiro ka Tirsan Al-shabaab lagu dilay Howlgalo Ciidamada Xoogga Dalka ay ka Fuliyeen Shabellaha Hoose

Ibraahim Aadan Cali ayaa ugu dambeytii ka hadlay Xureynta Degmada Sablaale ee Gobolka shabellaha Hoose Halkaasi oo mudo dhowr sano ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media