Dhageyso:-Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyey Afgooye,ka dib dilka dhacay

Taliska Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal dad lagu qabqabtay oo xalay laga sameeyey degmadaas kadib markii uu dil ka dhacay.

Taliyaha Saldhigga Booliska Afgooye ee G/Shabeellaha Hoose C/qaadir Cismaan Nuunow ayaa sheegay in Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda lagu dilay suuqa degmada,intaasi kadibna ay bibaabeen howlgal lagu boodi goobayey dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Waxa uu sheegay in tiro dad ah oo ku sugnaa goobtii uu dilka ka dhacay gacanta lagu dhigay kuwaas oo looga shakisan yahay dilkaas,balse ay baaritaan ku hayaan.

Ugu dambeyn waxa uu shegay in amniga Guud ee degmada uu yahay mid wanaagsan,isla markaana Ciidamada dowladda ay howlgal amni ka wadaan halkaas,waxa uuna ugu baaqay Shacabka in ay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Degamda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga xun gobolkaas,waxna mararka qaar weerar ku soo qaada xilliyada habeenkii dagaalamayaasha Al-Shabab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Saldhigga Degmada Afgooye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media