Dhageyso:-Hooyo iyo laba Caruur ay dhashay oo daad uu ku qaaday Hargaysa & Muuse Biixi oo booqday

Kadib markii roob uu ka da’ay Magaalada Hargaysa roobkaasi oo sababay inay soo rogmadaan biyo badan oo Dooxa soo maray, ayaa waxa ay biyahaasi sababeen inay nolosha ku qaadaan Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay.

Hooyada ayaa dusha ku siday ilmo yar oo ay dhashay, sidoo kalena waxa ay gacanta ka haysay wiil yar oo daadka uu la tagay.

Waxaa la soo badbaadiyay Hooyada iyo ilmihii yaraa ee ay siday, Hooyada iminka Koomo ayeey ku jirtaa, halka sidoo kale la la’yahay maydka wiilkii yaraa, waxaana la soo helay maydka gabadhii yareyd ee Hooyada dusha ku siday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa booqday Aabaha reerka masiibada ay qabsatay, wuxuuna warbixin ka dhageystay aabaha qoyskaasi masiibada la kulmay.

Maalma ka hor ayay aheyd markii Bali ku yaalla duledka Hargeysa uu ku dehx geeriyooday ruux ku dabaalanayay.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Aabaha Qoyska iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media