Dhageyso:-Heshiis laga gaaray dagaal dhexmaray Soomaalida iyo Oromada ku wada nool Itoobiya

Waxaa heshiis buuxa laga gaaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo Bariga Itoobiya ku dhex maray Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida kadib kulamo kala duduwan oo ka dhacay Magaalada Adis Ababa ee  Caasimadda dalka Itoobiya.

Duqa Magaalada Jigjiga Ibraahim Maxamuud Mubaarak ayaa sheegay in marka hore la Go’aamiyay in dadkii ka soo barakacay deegaanadii lagu dagaalamay lagu celiyo,sidoo kale cid alaala cidii ka tagtay Jigjiga ay ku soo laabato iyo in dadkii kala heystay hanti la isugu celiyo.

Waxa uu sheegay in shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Magaalada Adis Ababa heshiiskaas lagu gaaray isla markaana Bulshadu ay aad u soo dhaweeyeen.

Bariga dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Qowmiyada Oromada iyo dadka Soomaaliyeed wallow haatan xal laga gaaray.

Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Magaalada Jigjiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media