Dhageyso:-Hay’addo Caalami ah oo Maamulka Koonfur Galbeed ka Caawin doona dhanka Caafimadka

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka XanaanAda Xoolaha Maamulkaas Maxamed Xasan Fiqi,ayaa sheegay in uu Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Masuuliyiin ka kala socda dowladda turkiga iyo Hay’adda UNDB,islamarkaana uu kala hadlay wax ka qabashada dhanka caafimaadka ee deegaanada maamulka koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in kulankaas la isku afgartay in dowladda Turkiga iyo Had’adda UNDB,ay Mudoo dhowr Cisho ah ku suganan doonaan dhaqaatiir u kuurgeli doonta Xaalada Caafimaad ee deegaanada Maamulka koonfur Galbeed ay baaritaano Caafimaad ah uga sameeyaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhaqaatiirtaas laba kamid ah ay ka howlgeli doonaan Isbitaalka Magaalada Baydhabo halka kuwo kale ay aadi doonan Goobaha kale ee ka baxsan Magaalada Baydhabo.

Dhanka kale Maxamed Xasan fiqi ayaa sheegay in  shirkii golaha Wasiirada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka qeybgaleen Madax ka socotay Bankiga Aduunka,kuwaas oo balan qaaday in Xarumo ay u dhisi doonaan golaha Wasiiarda Maamulka koonfur Galbeed si ay ugu Shaqeeyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media