Dhageyso:-Hay’adda IOM oo Saddex qodob ka taageereysa Maamulka K/Galbeed+Sawirro

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha koonfur Galbeed ayaa Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kula kulmay Madaxda ugu sareysa Hay’adda IOM.

Wafdiga Hay’adda Qaxootiga ee IOM waxaa hogaamineysa Madaxda Hay’addaaas Mrs Iyen,waxaana kulanka qeyb ka ahaa Xubno ka socday Golaha Wasiirada Koonfur Galmeed ,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo  Maamulka Gobolka Baay.

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in kahor kulanka Xubnaha Hay’adda IOM ay kormeereen Xarumaha kala duwan ee Maamulka iyo goobaha ay degan yihiin dadka barakacayaasha.

Waxa uu sheegay in Madaxda Hay’adda u balan qaadeen Maamulka Koonfur Galbeed in ay laba jibaari doonaan howlsha ay ka taageeraan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxa ugu sareeya Soomaaliya ee Hay’adda IOM ee Mrs Iye ayaa u mahad celisay Shacabka koonfur Galbeed,waxa ayna sheegtay in ay laba jibaari doonaan howlaha ay ka hayaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana Warbixino laga siiyey.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Masuuliyiinta kana Daawo Sawirrada.

Maxamed Xasan Fiqi Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed

Madaxa ugu sareeya Soomaaliya ee Hay’adda IOM ee Mrs Iyen