Dhageyso:-Haweeney lagu dilay Xeebta liido ee Magalada Muqdisho

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Nin ku labisnaa dareeska ciidamada Dowladda Soomaaliya kadibna uu goobta isaga baxsaday sida uu Radio Dalsan u sheegay qof goobjoog ka ahaa xiligii uu falka dilka ah dhacayay.

Askariga dilka geystay ayaa ka soo baxay dukaan uu alaab ka soo iibsaday,isla markaana gabadha ay iyana ka soo baxday mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Liido uu la hadlay balse ay ka dhega adeegtay taasi oo keentay in uu rasaas ku furo isla goobtiina ay ku geeriyooto.

Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa dadka goobjoogayaasha ayaa Wareysi Uu siiyay Dalsan waxa uu sheegay in Gabadha ay ka mid aheyd dadka u soo damaashaad taga xilliyada habeenkii Xeebta liido.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay la socdeen gabdho kale balse ay goobta ka carareen kadib markii la dilay gabadhii la socotay,iyada oo ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Cabdul Casiis kuwaas oo Meydkii Gabadha geeyey Xarunta CID-da ee Magalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dilka Gabadhaas,iyada oo Booliska degmada Cabdul Casiis ay baadi goob ugu jiraan in ay Gacanta ku soo dhigaan ninkii ka dambeeyay dilkaas.

Wararka qaar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gabadha ninka dilay uu yahay walaalkeed.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Qofka goobjooga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media