Dhageyso:-Haweeney isku dishay Xaafad ka mid ah degmada Muqdisho

Haweeneydaan ayaa deganeyd  degmada Yaaqshiid gaar ahaan agagaarka sarta Wiif,waxaan eheladeeda ay Dalsan u sheegeen in Sanadihii u dambeysay ay qabtay Xanuun dhanka Maskaxda ah balse isdisahay.

Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray  Xaawo Cali Maxamed ayaa  aheyd qof Xaas ah,waxaana ehelkeeda ay sheegeen in Gurigii ay deganeyd ay isku soo xirtay kadibna ay Xariga u isticmaashday dilkeeda.

Mahad Cabdulle Macow Maxamed oo ay Ilmo Adeer yihiin Haweeneyda isdishay oo Dalsan la hadlay ayaa faah afahin ka bixiyey qaabka ay isku dishay Walaashiis iyo Xanuunka haayay intaba.

“Ninyahow aniga waan ka maqnaa guriga waa la isoo wacay waxana ley sheegay in walashey ay isdishay Qolkeeda ayay dhexda ka soo xiratay kadibna xarig ayay isku daldashay xiligaas Ninkeeda Shaqo ayuu ku maqnaa aniga ayaa u imid oo xarigii ka furay,runtii xanuunkii maskaxda haayey sanadkii u dambeeyey wuu ku soo darsaday taas ayaa keentay in ay isdisho ayuu yiri Mahad oo ay walaalo yihiin Xaawo Cali Maxamed ee isdishay”

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay u geysatay Carruurteeda oo ah laba Wiil,isla markaana Meydkeeda ay geeyeen Xarunta dembi-baariista ee CID-da oo uu ku amray taliyaha Saldhiga degmada Yaaqshiid.

Dhacdadaan ayaa waxaa aad uga naxay dadka ku nool Xaafada Sarta Wiif e degmada Yaaqshiid oo ay dhacdadaas ka dhacday.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Mahad Cabdulle Macow oo ay ilmo Adeer yihiin Xaawo Cali Maxamed ee isdishay.

W/Q:- Cabduqaadir Jakaarta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media