Dhageyso:-Hal ruux oo u geeriyooday fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle

Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle uu fatahaad horleh ka sameeyey deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Deegaannada uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in Wabiga uu baabi’iyey dalagyo farabadan oo Beeraha ku tacbanaa,isla markaana saameyn weyn uu dadka ku yeeshay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in fatahaada Wabiga uu ka sameeyey deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose uu hal qof ku geeriyooday,sidoo kalena dadka badi ay barakaceyn,isaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Marka lag reebo Gobolka Shabeellaha hoose ayaa Wabiga Shabeelle sidoo kale waxa uu fatahaad ka sameeyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hoos Ka Dhageyso Codka qof ka mid ah dadka ku nool deegaanka Mubaarak.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media