Dhageyso:-Haan baqdin ku abuurtay Bulshada Ceel Macaan oo ku soo caarisay Xeebta deegaankaas+Sawiro

Dekada Macmalka Ceel Macaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la sheegay lagu arkay Haan soo caarisay taas oo aan la ogeyn waxa ku jira balse haatan baaritaano ay ku socdaan sida ay Dalsan u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Haanta ayaa dadkii arkay wxa ay shaki geliyen in ay wax ku jiraan balse waxaa hadda baaritaano ku haya Masuuliyiin ka socda Hay’ad dhanka Cilmi barista ah sida uu Dalsan u sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekada Gadiidka ee Maamulka Hir-Shabeelle    Xuseen Tuuryare.

Wasiirka ayaa sheegay in markii ay halkaasi tageen ay arkeen Haantaas,taas oo la moodo in ay marna faaruq tahay marna ay wax ku jiraan in kastoo aan la ogeyn waxayabaha ilaa iyo hadda ku jira.

Haantaas ayaa Wasiirku sheegay in gebi ahaanba ay tahay mid daboolan,waxana uu sheegay in bulshada Ceel Macaan ay uga baqayaan in ay ku jiraan waxyaabo kiimiko ah,waxa uuna ugu baaqay in ay ka fogaadaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran oo uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media