Dhageyso:-Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Koonfur Galbeed oo xilka laga qaaday

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ansixiyay Warqad xilka looga qaaday Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax.

Warqadaan oo ku taariiqesneyd Maanta oo ah 19/12/2017 ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu aqbalay xilka qaadista ay Gudoomiye Sheekh Axmed Cabdullaahi Xuseen Fanax ku sameeyeen Golaha Adeega Garsoorka Koonfur Galbeed.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxweyne Shariif Xasan ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka kana dhageyso Codka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media