Dhageyso:-Gudoomiye Yariisow oo u digay dad dhisanaya Waddooyin ku yaalla Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxman Cumar Cismaan Cali Yariisow ayaa sheegay in marnaba aan la aqbaleyn in Wadooyinka waaweyn ee ku yaalla Muqdisho ay dadka dhistaan.

Waxa uu sheegay in Wadda kasta ee ku taalla Muqdisho iyo dhulalka Danta guud ay ka Go’an tahay Maamulka cid allaala cidii dhisatay in laga bur burin doono.

Sigaar ah waxa uu Gudoomiye Yariisow amray in la joojiyo dhismooyin laga dhisayo Wadooyin ku yaalla degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley hadii la dhisayna la joojin doono.

Tallaabadaan ayuu sheegay in ay tahay mid looga hortagayo in dhulalka Danta Guud in ay Shaqsiyaad dhistaan isla markaana ay danahooda ku fushadaan.

Amarkaan ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili dhawaan uu joojiyay dhismo ka socda Dhulka Biisa Liibaro ee D/Xamar Jajab iyo shalay oo u dambeysay oo uu joojiyay dhismo ku socday dhul ka soo horjeeda Dekada Weyn ee Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media