Dhageyso:-Gudoomiye Yariisow oo ka hadlay Qorshaha Sanadkan ee Maamulkiisa iyo Dib u Heshiisiinta

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumer Cismaan Yariisow ayaa maanta ka hadlay Qorshaha Maamulkiisa ee Sanadkan bilaawga ah ee 2018,Gudoomiye yariisoow ayaa waxa uu sheegay in qorshiisa ay ka mid tahay in si dhameystiran loo helo adeegyada bulshada.

Aragtida dadka Muqdisho degan ee doorashada 2020-ka ayuu sheegay in ay kamid tahay waxyaabaha ay diirada saarayaan.

Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay ka hirgalinayaan Wadooyin laami ah iyo in bulshada Degmadaa ku dhaqan ay helaan Caafimaad Waxbarasho iyo amniga .

Dhinaca dib u heshiisiinta Magaalada ayuuna soo hadal qaaday iyo doorka maamulkiisa,hadalkaan ayuuna maanta ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Xarunta Degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir.

Gudoomiye yariisoow iyo kuxigeenadiisa ayaa Xafiiska la wareegay 29-kii Janaayo, waxaana inta badan Bulshada Muqdisho uu maalmihii dambe kala hadlayay in ay la shaqeeyaan maamulkiisa dhankoodana ay wax qabad soo bandhigi doonaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumer Cismaan Yariisow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media