Dhageyso:-Gudoomiye Yariisow oo fariin u diray Hay’addaha ka Shaqeeya Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka hadlay qorshaha Maamulkiisa ee taakuleynta dadka barakacayaasha ah ee ku nool Gobolkan Banaadir.

Xili uu shalay Booqday degmada Kaxda ayuu sheegay in la doonayo in xal loo helo dhibaatada heysata dadka barakacayasha ah ee ku nool degmadaas,isla markaana ay noqdaan dad iskutashada.

Waxa uu ka dalbaday Hay’adaha Caalamka in ay ddkaasi caawiyaan si ay uga baxaan dhibaatada heysata.

Tan iyo  markii la Magacaabay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegayay in ay ka Go’an tahay wax u qababashada dadka ku nool Gobolkaan iyo baahiyaha dhinac walba oo ay qabaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Eng Yariisow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media