Dhageyso:-Gudoomiye Muudey oo weerar Afka ah ku qaaday Xukuumadda Kheyre

Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay isaga oo ka qeyb galayay munaasabad uu xilka kula wareegay gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu jeediyay khudbad uu fariin ugu diray Madaxda dalka.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda Kheyre looga baahan yahay in aysan xaqirin waxyaabihii ay soo qabteen dowladihii ka horeeyay.

“Waxaa la yiri Gadaal ka gaar ayaa Goobtii dumiyeen waxaa laga rabaa Xukuumadda kheyre in la sheego wixii horay loo qabtay, waxaad timideen meel wax badan laga soo qabtay lagu soo rafaaday lagu soo dhintay abaaldari lama rabo ee sheega wixii ay soo qabteen dowladihii idinka horeeyay ayuu yiri gudoomiye Muudeey”

Hadalkaan uu jeediyay Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili Xukuumadda Kheyre ay halheys ka dhigatay Shaqa kasta oo ay qabato waa markii ugu horeysay sida uu ku celceliyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media