Dhageyso:-Gudoomiye Muudeey”Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Shaqa la’aan ah ayaa Ajnabi Shaqeeyaa”

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in wqtigaan la’arkayo in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo Shaqa la’aan ah.

Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya lagu arkayo iyada oo dhalinta Soomaaliyeed ay yihiin Shaqo la’aan in la Shaqaaley siinayo dad Ajnabi ah taasna ay qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirta.

Waxa uu ugu baaqay madaxda dalka gaar ahaan Wasaaradda Dhalinyarada in ay qeyb weyn ka qaadato sidii dhalinyarada Soomaaliyeed Shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Tan iyo burburkii dalka ka dhacay ayaa waxa dhalinyarada Soomaaliyeed soo wajahday Shaqa la’aan sababtay in ay qaarkood wadanka ka cararaan,waxana barbar socda in dalka ay ka Shaqeeyan dad ajnabi ah balse Xukuumadda hadda jirta ay sheegtay in laga gudbi doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media