Maamulka degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii uu u dhacay dhaawaca Gudoomiyihii Kaamka daryeel oo ah kaam ay degan yihiin dad Barakacayaal ah kaas oo ku yaala degmadaas Maxamuud Shaafici Gaduudow .
Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir Maxamed Ismaacil Cabdullaahi oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in gudoomiyaha xiliga la dhaawacayay uu fadhiyay Goob maqaaxi ah islamarkaana qofka dhaawacay ay ehelo yihiin.
Waxa uu sheegay in hadda maamulka degmada Kaxda ay wadaan sidii ay u soo qaban laahayeen Qofkii ka dambeeyay dhaawaca Gudoomiyihii Kaamka daryeel.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha