Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari, oo sheegay in ay Waajib Dastuuri ah tahay Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayaa sheegay in si Soomaaliya ay u gaarto Hanaanka doorashooyinka qof iyo cod ee qof walba codkiisa uu dhiibto in loo baahn yahay in la sameeyo Nidaamka Asxaabta badan  ee Dastuuriga ah.

Waxa uu sheegay in marwalba dalka soomaaliya aysan dan u aheyn in lamaro habka doorasho dadban,isaga oo sheegay in inta laga gaarayo in qof walba codkiisa uu dhiibto xalka uu noqonayo in wax lagu doorto doorashada dadban.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa doorashada dadbadan loona gudbo doorasho qof iyo Cod ah.

Qodobada ugu horeeya Dastuurka Soomaaliya ayay ku qeexan tahay in Soomaaliya ay tahay dowlad Madax banana dadkuna ay qaadanayan Nidaamka Asxaabta badan qof walbana uu codeyn karo xaqna ay u leeyihiin balse dalka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin laga dhaxlay dowlad la’aanta.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Jawaari.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media