Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari oo la kulmay Michael Keating iyo Safiirka Talyaaniga+Sawirro

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Maanta kulamo gooni Gooni ah la qaatay masuuliyiin ka kala socotay dowladda Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka Koowaad ayaa waxa uu la qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, sidoo kale waxa uu la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Xogheyaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaya qodobadii ay ka wada hadleen Madaxdii uu la kulmay gudoomiye Jawaari.

“Runtii waxa uu la kulmay marka hore Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal wadaaga Dhaqanka, in la soo nooleeyo xiriirka horay u jiri jiray iyo Siyasada Guud ee dalka iyo Guud ahaan Afrika.

“Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha la kulmay Michael Keating oo ay aad uga hadleen Siyaasada dalka, iyo arrimo quseeyo qarixii ka dhacay Muqdisho iyo doorasahda la filayo in ay dalka ka dhacdo Sanad 2020, ayuu yiri Cabdi Kariin Buux Xogheyaha Golaha Shacabka”

Hoos Ka Dhageyso Codka kama Daawo Sawirrada

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media