Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari oo baaq u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in waqtigaan Dhalinyarada Soomaaliyeed fikir qaldan lagu beeray isla markaana dhibaatoyin farabadan ay heestaan.

Waxa uu sheegay in ay jiraan Wadaado Caruurta Soomaaliyeed Maskaxda ka dhuminaya taas bedelkeedana loo baahan yahay in laga hortago.

Gudoomiye Jawaari ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib- u dhiska dalkooda isla markaana ay ogaadaan in aysan waxba u qabaneyn dadka ku abuuraya fikirka qaldan sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha waxa uu ka jeediyay xalay Munaasabad lagu sagootinayay gudoomiyaha Baarlmaanka dalka Jabuuti.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media