Dhageyso:-Gudoomiye Fanax”Garsoorkii Koonfur Galbeed waa la afduubtay”

Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax oo ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Mamulka Koonfur Galbeed balse shalay madaxweynaha Maamulkaas uu xilka ka qaaday ayaa kas oo horjeestay xilka qaadistas.

Wareysi uu siiyay Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay aheyd mid fowdo ah isla markaana ciidan horay loogu dalbaday Xafiskii maamulkana xoog loogala wareegay.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in xilka qaadistaas aan loo marin sifo sharci ah,isla markaana awoodii Maxkamada Sare ay la wareegeen hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrintan ay bilaabatay mudo laga joogo Saddex bilood kadib markii la’isku dayay in la’afduubto Garsoorka taasna ay ka dhalatay carqalad,kdibna ay isku bedeshay in loo diido gelitaanka Xafiiskiisii uu ku Shaqeynayay.

Sigaar ah waxa uu ugu eedeeyay talaabadaas in uu ka dambeeyay wasiirka Wasaaradda Cadaalada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ugu dambeyna aan si waafaqsan sharciga aan loo marin xilka qaadistiisa.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Axmed Fanax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media