Dhageyso:-Gudoomiye Cali Gacal oo ka hadlay Go’aanka Xildhibaanada ee heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay in ay jiraan xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmuudg kuwaas oo ka soo horjeeda heshiiskii 6,dii Bishaan ay Muqdisho ku kala saxiixdeen masuuliyiin ka kala socotay Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna balse arrintaas been abuur lagu tilmaamay.

Gudoomiyaha Baarlmanka Galmudug Cali Gacal Casir oo sigaar ah ula hadlay Idaacadda Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in xiligaan aysan jirin cid ka soo horjeedo heshiiskas ee ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto dadka dega Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo in la iskufuro dad mudo kala maqnaa sida taladooda loo dhageysto.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in heshiiskaas uu keeni karo in meel looga soo wada jeesto cadawga Galmudug balse ay jiri karaan dad wax uun tabanaya sida uu hadalka u dhigay.

6,dii Bishaan markii madaxda ka kala socotay Galmudug iyo Ahlusuna ay heshiis Muqdisho ku kala saxiixdeen waxaa durbadiiba hadlay tiro xildhibaano ah kuwaas oo sheegay in heshiiskaas uu yahay mid lagu kala jebinayo Maamulka Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Cali Gacal Casir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media