Dhageyso:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ammar ku bixiyay in la furo Ciriiriga ka jira Wadooyinka Suuqa Bakaaraha

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa marka hore Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey  Biisha  Ciidul fidriga uu ay saacado kaliya naga xigaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligaan Suuqaweyn  ee Bakaaraha oo uu ka jiro Ganacsi xoogleh basle ay ka taagan tahay dhibaato adag oo ka timid Wadooyinka Waaweyn ee degamadaas oo ah mid isku xiran.

Waxa uu ugu baaqay gudoomiyaha degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir Cabdikariin Cali Kaar,in uu qorsho u keeno Wadooyinka ay xireen dadka Ganacsatada ah oo aan laga heleyn meel ay dadku maraan islamarkaana Wadooyinkii oo dhan lagu Ganacsnayo.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay in uu ka jawaabo cabashada uga imaaneysa dhanka Shacabka islamarkaana ay marwalba weeydiin doonaan baahida ay qabaan

Hadalakan ayaa waxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed  xili shalay uu kormeer ku tagay Suuqa Bakaaraha oo uu ka socdo Dukaameysi xoogleh maadama ay nagu soo fool leedahay Maalinta Ciidul fidriga.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media