Dhageyso:-Gudoomiyaha G/Banaadir oo shaaciyay In uu baaqday Shirkii Nabadeynta Caasimadda

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit  Cabdi Maxamed ayaa Maanta Shaaciyay in uu baaqday shirkii Nabadeynta iyo horumarka Caasimadda kaas oo  Beri ka furmi lahaa Muqdisho.

Shirkan ayaa Gudoomiye Taabit waxa uu iclaamiyay 27 Bishii December ee Sanadkii tegay ee 2017 xili uu degmada Kaxda ka furayay howlaha diriseynta Gobolka Banaadir.

Taabit Cabdi Maxamed ayaa baaqashada shirkaas ku soo koobay sababo farsamo balse faah faahin dheer kama uusan bixin.

Xili Maanta uu Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xiliga uu shirkaas furmayo uu dhawaan markale iclaamin doono.

Sidoo kale Taabit ayaa soo hadal qaaday laba dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay Xaafada Koodka ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir isaga oo dalbaday in Cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id oo dhameystiran.