Dhageyso:-Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo laba qodob ka dalbaday Shacabka degmadaas

Gudoomiyaha Maamulka degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir Cumar Cabdullaahi Xasan ayaa waxa uu baaq u diray Shacabka ku nool degmada Wadajir si amniga loo xaqiijiyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in looga baahan yahay Shacabka degmada in ay ka qeyb qaataan sugida amniga, isla markaana ay soo sheegaan cidkasta oo lidi ku ah amniga degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir”

“Waxaa laga rabaa dadka ku nool degmada Wadajir in ay ka qeyb qaataan sugida amniga degmada ayna soo sheegaan dhagar qabayaasha dalka iyo dadka ku ciyaaraya maamulkana kala Shaqeeya sugida amniga ayuu yiri gudoomiyaha”

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in shacabka ku nool degmada Wadajir ay yihiin kuwo isku duuban oo mar walba u taagan la Shaqeynta Maamulkooda.

Hadalkaan ayaa Gudoomiyaha degmada Wadajir waxa uu ka jeediyay Munaasabad lagu dhagax dhigayay Xarunta Maamulka degmada Wadajir oo ku bur burtay qarax ka dhacay 20 Bishii June Sanadkii tegay ee 2017.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Maamulka degmada Wadajir.