Dhageyso:-Gudoomiyaha Cusub ee G/Hiiraan oo amar ku bixiyay joojinta dagaal beeleedyada+Sawiro

Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay gudoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow,kaas oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi(Coosble)

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cumar Baadiyow ayaa umahad Ciliyey Dhamaan dadkii ka qeeyb qaatay soo dhaweeyntiisa waxa uuna tilmaamay in maamulkaasi uu ku dadaali doono sidee uu ku qanci lahaa dhamaan cid kasto oo tabasho ka qabto maamulkiisa.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay beelaha Walaalada ah ee ku dagaalamaya deegaano ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan in ay dagaalkaas joojiyaan islamarkaana wax walba miiska wadahadalka ku dhameeyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirada