Dhageyso:-Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo ka hadlay xilka loo Magacaabay iyo qorshihiisa

Gudoomiyah Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo Maanta loo Magacaabay xilkaas,ayaa ka hadlay Magacaabistaas iyo qorshiisa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu aad uga mahadcelinayo xilkaan loo Magacaabay islamarkaana madaxda dalka ay ku aamineyn xilkaas,waxa uuna sheegay in uu yahay mid culus illaaheyna uu la garabgalo.

Waxa uu dalbaday in la doonayo in lala Shaqeeyo maadaama uusan qof kaliya waxba qaban Karin.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in dadka ku nool gobolka Banaadir ay heli doonaan adeegyada dhanka Bulshada ah oo ay u baahan yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Codka  gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.