Dhageyso:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo loo sameeyay Xaflad Sagootin ah

Xalay waxaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar lagu qabtay Munaasabad lagu sagootinayay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo todobaadkaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir,waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ku xigenkiisa Koowaad, Xildhibaano Wasiiro labada Golle ka tirsan iyo Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabada ayaa waxaa Masuuliyiintii ka qeyb gashay ay inta badan daboolka ka qaadeen in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadatay dib-udhiska dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlmaanka ahna ku simha Madaxweynaha ayaa sheegay in waqtigaan Dhalinyarada Soomaaliyeed fikir qaldan lagu beeray isla markaana dhibaatoyin farabadan ay heestaan.

Waxa uu sheegay in ay jiraan Wadaado Caruurta Soomaaliyeed Maskaxda ka dhuminaya taas bedelkeedana loo baahan yahay in laga hortago.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu u sameeyay Gudoomiyaha Baarlamanka Jabuuti,waxa uuna sheegay in ay doorweyn ku leeyihiin Siyaasada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriya ayaa iyana dowladda Jabuuti ku amaantay kaalinta ay ku leedahay horumarka Soomaaliya iyo ka qeyb qaadashada xasilinta amniga dalka maadaama ay soomaaliya ka joogaan ciidamo farabadan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa intii uu Soomaaliya ku sugnaa waxa uu booqday Xarumaha Ciidamada Jabuuti ay kaga sugan yihiin Gobolka hiiraan,isaga oo sidoo kale ka qeyb galay kulankii Baarlamanka Soomaaliya ee Sabtidii ka dhacay Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Cabdi Naasir Socdaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media