Dhageyso:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la kulmay Xildhibaanada aqbalayna xilka qaadistii Cosoble

Sheekh Cusman Bare Maxamed Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle oo Maanta Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay jowhar ayaa ka hadlay mowqifkiisa xilka qaadistii madaxweyne Cosoble.

Gudoomiyaha oo ay horfadhiyeen xildhibaano gaaraya ilaa 81 xildhibaan ayaa sheegay in markii la eego Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle uu cadeynayo tirada ama Kooraamka ay Madaxweynaha Xilka uga qaadi karaan xildhibaanada.

Waxa uu sheegay in xilka qaadistaas iyo go’aankii shalay ay qaateen xildhibaanada uu yahay mid Sharci ah,maadaama kulamadii Baarlamaanka ay Goobjoog ka ahaayeen ku xigeenadiisa.

Waxa uu sheegay in Dastuurka Hir-Shabeelle Qodobkiisa 52,aad uu qorayo qaabka uu Madaxweynaha ku weyn karo xilkiisa.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Cali Cabdullaahi Cosoble uu ka mid yahay Shacabka Hir-Shabeelle islamarkaana mudo 30 Cisho uu xilkaas Si KMG,ah uu u heynayo ku xigeenkisii Cali Cabduulaahi Xuseen Guudlaawe.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media