Dhageyso:-Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka jira

Cabdi Xaashi Cabillaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa marka hore ka hadlay khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dowlad Goboleedyada iyo hoggaanka Sare ee dalka.

Waxa uu sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in Madaxda dowlad goboleedyada iyo Madaxda dalka in khilaafkooda Siyaasadeed xal ka gaaraan isla markaana ay midoobaan.

Tani ayuu sheegay in ay meesha ka saareyso in cadawga Soomaaliya uusan ka faa’iieysan khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Siyaasiyiinta iyo Madaxda dowladda qaarkood ayaa marwalba soo hadal qaada in laga gudbo khilaafka Siyaasadeed ee dalka ka jira si looga gudbo dhibaato hacda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Aqalka Sare

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media