Dhageyso:-Gudiga Gurmad Qaran oo lacago Gaarsiiyay Ehelada Dadkii ku waxyeeloobay Weerarkii Hotelka Naasa-Hablood 2 +Sawirro

Hotelka Naasa  Hablood 2 oo 28,kii Bishii October ee Sanadkaan uu weerarku ka dhacay ayaa ehelada dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay waxaa maanta la gaarsiiyay lacago ay soo ururiyeen Gudiga Gurmadka Qaran.

60-Qoys oo dadkooda waxyeelo ka soo gaartay Weerarkii Naasa Hablood 2 iyo 244-Caruur oo ku agoontoobay Mashaqadaasi ayaa qofkiiba waxaa lasiiyay lacag dhan 300-oo dollar.

Maxamed Yuusuf Tigeey Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Gurmadka Qaran ayaa sheegay in taakuleynta maanta ay bixiyeen ka mid tahay qorshaha wax lagu gaarsiinayo ehelada dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Howlaha taakuleynta ee Gudiga gurmadka Qaran ayaa wali socda, waxaana maalin kasta Gudiga qorsheeyaan gurmad gaarsiinta ehelada dadkii waxyeeladu ka soo gaartay Qaraxyadii 14-iyo 28-Bishii October ka kala dhacay Zoobe iyo Naasa Hablood 2.

Dadka  ayaa waxaa lasiinayaa lacago Cadaan ah qaarkood waxaa loo abuurayaa Furshado shaqo oo ay noloshooda ku maareeyaan,iyada oo tii ugu dambeysay shalay loo qeybiyay deeq bajaaj ah.

 Hoos Ka Dhageyso Codka Maxamed Yuusuf Tigeey Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Gurmadka Qaran kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media