Dhageyso:-Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan oo shir ka furaya Garoowe

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxa ku sugan Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan kuwaas oo Maalinta Berito ah la filayo in ay shir ka furaan.

Xubnaha Guddigaas oo shalay gaaray Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Sayid Cali Sheekh Maxamed waxa uuna sheegay in shirkaas Sabtida Berito ah ay furi doonaan.

Waxa uu sheegay in ay shalay la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyaga oo kala hadlay  sidii uu shirkaasi u furmi lahaa.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in shirkaas uu yahay mid loo qabanayo Bulshada ku nool Garoowe kuwaas oo ay kala tashanayaan sidii ay ku dhici karto doorashada Sanadka 2020.

Guddiga aya horay u soo maray dhowr Magaalo oo ka mid ah dalka,waxaana qorshahoodu uu yahay in ay maraan ilaa 24 Magaalo oo qaarkood ay weli u harsan yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Gudiga doorashoyinka Madaxa Banaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media