Dhageyso:-Gudiga doorashada Soomaaliland oo ka jawaabay eedaymo loo jeediyay

Xaaladda xaafado ka mid Hargeisa iyo Burco oo ay rabshado ka dhaceen maalin ka hor ayaa haatan deggan, iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada nabadda ee soo baaxaya.

Natiijada doorashada ayaa weli la sugayaa, iyadoo ay u muuqato haatan in xisbiga mucaaradka ee Waddani uusan ku qanacsanayan sida ay wax u socodaan.

Afhayeenka Guddiga doorashada Saciid Cali Muuse ayaa shegay in Xisbiyada ay xaq u leeyihiin in ay cabasho u soo gudbiyaan guddiga doorashooyinka isla markaana ay uga jawaabaayan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan waxba ka jirin cabashada uu soo gudbiyay Xisbiga WADANI ee ah in la sameeyay Wrqado been abuur ah oo loogu codeeyay xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media