Dhageyso:-Gudiga Difaaca Golaha Shacabka oo ka shiraya xadgudubka Kenya ee Balad Xaawo

Maalmihii la soo dhaafay waxaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeysay Ciidamada Kenya iyo Shacabka ku nool degmadaas taas oo ka dhalatay kadib markii dowladda Kenya ay iskudayday in ay markale bilaawdo dhismaha derbiga.

Xiisadaas ayaa sidoo kale sababtay qeylo dhaanta badi bulshada Soomaliyeed, Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xogheyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Dalsan u sheegay in Sabtida berito ah ay Gudigu kulan ka yeelan doonaan xadgudubka dhulka Soomaaliya ee dowladda Kenya.

Waxa uu ku amaanay dadka ku nool degmada Balad Xaawo sida ay uga dhiidhiyeen xadgudubka dowladda Kenya,waxa uuna sheegay in dhawaan dowladda Soomaaliya wefdi u diri doonto degmada Balad Xaawo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media